G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo loo magacaabay Taliyaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha



Kofi B.jpgTaliyihii hore ee Nabasugidda gobolka Banaadir G/sare Maxamed Aadan Jimcaali (Koofi) ayaa si rasmi ah loogu magacaabay xilka Taliyaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa G/sare Maxamed Aadan Koofir loogu magacaabay xilka Taliyaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan waxaa uu si rasmi ah xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Jen. C/llaahi Gaafow oo bishii la soo dhaafay xilkan si KMG ahaan loogu magacaabay, markii xilka laga qaaday Jen. C/raxmaan Tuur Yare.

G/sare Koofi oo ah nin amusnaan badan, waxna ku soo bartay dalalka Sudan iyo Uganda, ayaa bedelaya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ahaa waayo arag muddo 10-sano xilkaas soo hayay.

Maxamed Aadan Koofi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa horay u ahaa Madaxii Ilaalada Madaxtooyada, sidoo kale sanadkii 2014 ayaa loo magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir, waxaana lagu xusuusta in waxyaabihii uu qabtay tan iyo markii uu xilkaas hayay.

Wareegtada                                  




Add New Comment