HADLIYE: Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay waa mid ka baxsan Bani’aadamnimada




Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan magaalada Muqdisho aysan saameyn ku yeelan doonin diblomaasiyiinta dalka imaaneysa

Wasiir Hadliye oo ka hadlayay qaraxii ismiidaaminta ee shalay lagu qaaday Hotel Jazeera ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ka baxsan bani’aadanimada, isagoo tacsi u diray qoysaskii ku dhintay.

Sidoo kale waxaa uu wasiirku sheegay in dalalka caalamka ay ka dhacaan weeraro ceynkan oo kale ah, isagoo tilmaamay in dowladdu ay wado qorshe guud oo looga hortagayo weerarada ay geysanayaan  Al-Shabaab.

“Waa qarax Islaam-nimada ka baxsan, waa mid ka baxsan beni’aadanimada, tacsi ayaan u direynaa dadkii ku dhintay weerarka argagixiso, adduunka oo dhan ayaa ka xun falkaasi, shacabka Soomaaliyeed ayaa ka xun, Soomaaliya horey ayay u soconeysaa, uma dhutineyno, weeraro naf la caari ah oo lala beegsado goobaha ay shacabka isugu yimadaan”ayuu yiri wasiir Cabdisalaam.

Mr Hadliye ayaa sheegay in saaxibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka aysan wax saameyn ku yeelan doonin weerarada argagixiso ee gudaha dalka ka dhacay.

Hotelka la weeraray ee Jazeera Palace Hotel ayaa waxaa degenaa diblomaasiyiin shisheeye, sidoo kale waxaa xafiisyo ku lahaa Safaaradaha Shiinaha, Qatar iyo Masar.

In ka badan 20-qof ayaa ku dhimatay, ku dhowaad sodon kalena waa ku dhaawacmeen qaraxii shalay lagu weeraray Hotel Jazeera, iyadoo weerarkan ay sheegatay Al-Shabaab.

Add New Comment