Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in shir Calami ah lagu qaban doono Dhawaan Muqdisho




Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke oo shirkan jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta shirka caalami ah oo looga hadli doono dhameystirka Arrimaha Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, kaas oo 29-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho, Waxa uu intaa raaciyey  in weerarrada Argagixisada ay ka geysteen Magaalada Muqdisho in aanan loo baajin doonin horumarka iyo Hore socodka Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa yiri

“Falalka noocaan ee lala beegsanayo hotellada iyo xarumaha Ganacsiga ay yihiin kuwa lagu joojinayo horumarka dalka, waxaana Tacsi u dirayaa dhammaan dadkii wax  ku noqday Qaraxii shalay ay argagixisada ka geysteen hotelka Jazeera ee  Magaalada Muqdisho”

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa digniin culus u diray kuwa ka dambeeya weerarrada argagixiso, waxa uu intaa raaciyey  in argagixisad aysan ka carari Karin Awoodda Ciidamadda.

“dhawaan  gacanta nabad-diidka laga saarayaa magaalooyin cusub, maadaama ay socdaan howlgallo baaxad leh, waxaana ugu dambeyntii ugu baaqayaa dhalinyarada ay nabad-diidku qaldeen in weli ay ka soo laaban karaan fikirka lagu marin-habaabiyey”. Ayuu markale Yiri Raiisulwasaare Cumar Cabdirashiid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysay in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan shirar caalami ah,  waxaana ay weli dowladdu isu diyaarineysaa sidii ay u martigelin lahayd shirka looga Arrinsanayo qorshaha Dowladda Federaalka mudadan  u hartay ay qaban doonto, kuwaas oo ay argagixisadu damcayaan in ay is hortaagaan iyagoo adeegsanaya weerarro argagixiso.

WhatsApp

Add New Comment