Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray magaalada Muqdisho



Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan kusoo dhaweeyay Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda ,Madaxweynihii hore ee Galmudg CabdiXasan Cawaale Qeybdiid iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Cabdikariin oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan cade ayaa sheegay inuu u yimid Muqdisho inuu wadatshi la sameeyo Madaxda Dowladda,iyo ka qeybgalka Shirar loo qaban doono Maamul Goboleledyada dalka ka jira oo looga hadlayo Arrimaha Hiigsiga 2016.

“ waxaan safar gaaban ku imid Muqdisho waxaan ka imid Magaalada Cadadao oo ah xarunta Kmg ah ee Dowlad gobolLeedka Galmudug, safarkeyga wuxuu ku  saabsanyahay inaan kulamo wadatashi ah la yeesho Dowladda dhexe iyo inaa ka qeybgalo kulamo kala duwan oo ilaa heer Qaran ah oo ku saabsna new dealka iyo kuwo ku saabsan madaxda mamaul Gobolleedyada iyo dowladda dhexe oo kulan wadatashi ah yeelan doona”

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa cambaareeyay Qarax naf halignimo ah oo Kooxda Al-Shabaab ay  ka geysatay bananaka Hotelka jaziira ee Magaalada Muqdisho wxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan Kooxaha Argagaxisada ah.

“runtii waxaan Aad uga xumahy oo aan ka tacsiyeynayaa dhibaatada foosha xun ay u geysteen Nimanka sharwadayaasha ah dadkii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee degnaa iyo kuwii siyaabo kala duwan u tagay hotelka Jaziira waa naxdin aad u fooxun waa waa dhibaato aad u foolxun,tani runtii waxay nagusii dhiirigalineysaa sida ay lagama maarmana u tahay in shacabka somalaiyeed qeybihiisa kala duwan isaga kaashadaan meelna ugasoo wadajeestaan sidoo meel loogsoowada jeesan lahaa nibanka manaxayaasha ah ee sharwadayaasha ah ee Al-Shabaabruntii waxaa muuqata inaysna jirin cidey u naxayaan”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Somaaliyeed ee Galmudug Cabdikariin Xusen Guuleed oo dhawaan lagu caleema saaray Magaalada Cadaado ayaa waxaa laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumadiisa isagoona horay u sheegay in dhameystirka mamaulkiisa ay ku qnaci doonaan dhamana beelaha dega Gobolada Galgaduud iyo Mudug.


Add New Comment