Qarax xooggan oo ka dhacay Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho




Qarax aad u xoogan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasoo ku dhow garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada caasimadda ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay meel ku dhow iridka Hotelka, waxaana qaraxan uu ahaa mid magaalada oo idil ruxay

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay qaraxan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu ahaa gaari weyn oo kuwa xamuulka ah, waxaana tanka qaraxa uu ahaa mid aad u ballaarnaa, marka la fiiriyo bur burka soo gaaray Hotelka.

Hotelka ayaa qeybo badan uu bur buray, iyadoo daaqadihii ay soo hoobteen, dad goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan noociisa oo kale aan horay loo arkin.

Waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadkii wax ku noqday qaraxa, waxaana gebi ahaanba xiran wadada isku xirta Isgoyska KM4 illaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ahaa mid aad u xoog badan, kana duwanaa qaraxyadii horay uga dhici jiray magaalada, waxaa mar qura gil gilay meelo badan oo ka mid ah magaalada.

Dad ka fog halka qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in dhulka uu la gariiray, dariirashada iyo albaabada ay soo dhaceen, waxaana lagu soo waramayaa in guryo ka ag dhowaa Hotelka uu dumay.

Hotelka Jazeera oo ah hotel ammaankiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan Safaaradaha Shiinaha iyo Qatar, sidoo kale waxaa hotelka dega diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda.


Add New Comment