Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Kismaayo Tababarna u furay Ciidammo ka tirsan Xoogga dalka




Wafdigan oo uu hogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max'uud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweeynaha ayaa waxaa wehlinayay wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, wasiiru dowlaha gaashaandhigga, taliyaha ciidamada xoogga dalka, xildhibaanno iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, wakiillo ka socday Midowga Yurub, IGAD iyo weliba AMISOM.

Wafdiga ayaa markii uu kasoo dagay garoonka, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana intaa kaddib uu salaan sharaf ka gudoomay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta Jubooyinka.

Madaxweeynaha ayaa intaa kadib la geeyay xarunta Jaamacadda Kismaayo ay ku leedahay duleedka magaalada, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM, mudooyinkii u danbeeyay ay tababarro uga socdeen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Xarunta ayaa waxaa ku sugnaa ku dhawaad 1500 (kun iyo shan boqol) oo askari, kuwaasoo ah qeybta 2-aad ee saldhigga 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxaana intii aysan khudbadaha bilaaban halkaasi lagu dhaariyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta Jubooyinka, waxaana intaa kadib biloowday khudbadihii kala duwanaa ee madaxda.

Masuuliyiin kala mataleeysay Midowga Yurub, IGAD iyo AMISOM oo goobta ka hadlay ayaa tallaabo horumar leh ku tilmaamay ciidamada maanta tababarka looga furay xarunta Jaamacadda magaalada Kismaayo, iyagoo sheegay in ay muujineeyso sida ay Soomaaliya dib uga soo kabaneeyso burburkii iyo dowlad la'aanti ay mudada dheer kusoo jirtay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay ciidamada tababarka uu uga furmay xarunta Jaamacadda Kismaayo in ay u adeegaan dalka iyo dadka, isagoo sheegay in la doonayo in ay dalka ka difaacaan waxa uu ugu yeeray "Argagixisada" islamarkaana adeecaan madaxdooda, dhowraanna dhaartii ay ku mareen in ay daacad u noqon doonaan dalka iyo dadka.

Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo isna madasha khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamadani ay yihiin ciidamo laga soo xulay deegaanada Jubbaland, isagoo kula dardaarmay askarta tababarka uu u socdo in ay iska ilaaliyaan qabyaaladda islamarkaana Alle ka cabsadaan oo dhaarta ay ku mareen in ay dalka iyo dadka u adeegaan ay ka dhabeeyaan.

Gabagabadii Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud oo khudbad aad u dheer goobta ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii nabadda, isagoo xusay in ciidamadani ay bilow u yihiin isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, tallaabada xigtana ay noqon doonto in ciidamada la isku shaandeeyo ayna ka howlgeli doonaan dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Madaxweeynaha iyo wafdigiisa ayaa intaa kadib la geeyay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in uu halkaasi kulamo kula qaato madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Sheekh Max'ed Islaam.

Add New Comment