Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Maanta la caleemo saaray+sawirro


Ugaas Xasan Ugaas Khalif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu caleema saaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Caleemasarka Ugaaska ayaa waxaay ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad,Wasiiro, Xildhibinno, siyaasiyiin, duubab dhaqan iyo marti sharaf kale.

Xafladaasi ayaa si wayn uga dhacday Garoonka Diyaaradaha ee loogu magacdaray ambassador Cabdi Faarax Laqanyo, waxaana halkaasi laga dhisay aqal somali, waxaana laga soo jeediyay khudbado kala duwan.

Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Mudane Mahada Cabdalla Cawad oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay kaalinta doobabka dhaqanka looga baahan yahay, isagoo xusay in bulshada ay ku hogaamiyaan nabadda iyo horumarka.

Ugaaska oo goobtaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka somaliyeed nabad iyo barwaaqo, iyo in gacmaha la is qabsado oo laga shaqeeyo midnimo.






Add New Comment