Madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Iskaashiga Britain oo Muqdisho ku kulmay



Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Grant Shapps oo booqasho laba maalmood ah waddanka ku yimid.

Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya dhinacyada, amniga,siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Waxaa uu Madaxweynaha Boqortooyada UK uga mahad celiyey, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an hirgelinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016 iyo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, lana xaqiijiyo in bulshada qeybaheeda kala duwan ay door ku yeeshaan aayaha siyaasadda waddankooda. Taageerada Britain mar walba muhiim ayay inoo tahay, waxaana ka mahad celinayaa dadaalka gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare David Cameron uu ku taageerayo Soomaaliya”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Mr Shapps, oo ayaa dhankiisa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey dhowaanahan, gaar ahaan dhinacyada amniga, isku dhafka ciidammada iyo ansixinta guddiyada madaxa banaan ee salka u ah Hiigsiga 2016.

Waxaa kale oo uu ku ammaaney Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada hirgelinta federaalka, maareynta maaliyadda iyo xisaabadka dowladda iyo dadaalka dhinaca dib u heshiisiinta.

“Soomaaliya weli muhiim ayay inoo tahay marka loo eego siyaasadda arrimaha dibedda ee Britain, oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyada gargaarka aadmiga iyo horumarinta. In la taageero si loo helo Soomaaliya oo xasiloon, isla markaana horumarsan, waxay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed, gobolka iyo caalamka intiisa kale. Si arintan looga mira dhaliyo, ayaa waxaan caddeynayaa in go’aankan uu yahay mid qeyb ka ah danaha qaranka ee Britain’’, ayuu yiri Mr Shapps.

Wasiirka ayaa intii uu dalka joogay kulamo la qaatey mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.


Add New Comment