Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku Kulmay



Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, ayaa kulan casho ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Aamina Maxamed iyo qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaa looga hadlay sida dowladaha caalamku ay maalgashi ugu sameysan karaan Soomaaliya, ayadoo si gaar ah looga hadlay xiriirka iskaashi ee uu ganacsigu ku jiro ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Hadliye oo la hadlayay diblomaasiyiinta iyo wasiirrada ka socda Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay dhammaan waxyaabihii suurta galin lahaa in ay maalgashi ku dhiirradaan dowladaha iyo ganacsatada dibaddu, sidoo kale ay jiraan suuqyo badan oo la maalgashan karo.

“Kalluunkeenu wuxuu u dhintaa duqnimo, marka uu waayo cid ka faa’iideysata” ayuu yiri Hadliye oo shegay in dowladdu ay taageereyso ciddii doonaysa in ay maalgashato waddanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan isla markaana ay ganacsatada labada dhinac u fududeynayaan in ay maalgashi ku samaystaan labada waddan.

Kulankaan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka warshadaha Kenya, Wasiirka Ganagsiga Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka qorsheynta Soomaaliya iyo masuuiyiin kale oo ka socota labada dowladood.

Safaaradda Soomaaliya ayaa qaban qaabisay kulan weyn oo Arbacadii ay isku arkeen ganacsatada Bangiyada labada waddan, kuwaas oo ka wada hadlay sida ay uga wada shaqeyn karaan in si xoog leh loo maalgashado suuqa bangiyada Soomaaliya. Sidoo kale cashadan ayaa diblmaasiyiinta loogu baaqay in dalalkoodu ay maalgashadaan Soomaaliya.

Add New Comment