Ciidamada huwanta oo goor dhow la wareegay degmada Baardheere



Ciidamada huwanta ayaa goor dhow la wareegay degmada Baardheere, kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen xoogaggii Al-Shabaabee muddada dheer maamulayey, waxaana ciidamada gudaha u galay ay yihiin kuwa Kenyanka ah.

Sida ay sheegayaan ciidamada gudaha u galay degmada Baardheere ayaa ka yimid dhanka Ceel Waaq, kuwaasoo qeyb ka ahaa Ciidamo dhowr jiho kaga soo wajahnaa Baardheere.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Siyaad Axmed Aadan ayaa sheegay in abaarihii 2-dii duhurnimo ay gudaha u galeen Baardheere, isagoo xusay in qeybta kalena ay sugayaan inay soo galaan Ciidamada kale.

“Inteeda xooga leh magaalada anagaa joogna, qeyb ayaa ka galnay oo ah dhinaca Buundada oo ah meelihii laga xukumayay, waxaa fileynaa in qeybta kale ay ciidamada saaxibadeena inay soo galaan”ayuu yiri Siyaad Axmed Aadan oo goor dhoweyd la hadlay Warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Ciidamada huwanta ayaa dhowr jiho ka soo kulaalayay degmada Baardheere, waxaana ay la kulmayeen dagaalo culus iyo weeraro dhaba gal ah.

Sidoo kale ciidamada ka qeyb qaadanayay howl galka lagu qabtay Baardheere ayaa ka kala socday Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Al-Shabaab ayaa oo muddo todobo sano ku dhow maamulayay Baardheere ayaa isaga baxay, markii culeys badan uu dhowr jiho uga yimid.

Degmada Baardheere ayaa ah degmo istiraatiiji ah oo xuduud la leh Gobollada Bay iyo Jubbada Dhexe oo gebi ahaantiis gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaa mara Wabiga Jubba.


Add New Comment