Wasiir ku-xigenka Wasaradda Haweenka oo Deeq Dawa ah Gaarsiisay Cisbitaalka Demada Baraawe


Wasiir ku-xigeenka wasaaradda haweenka marwo Muumina Sheekh Cumar ayaa deeq daawo ah gaarsiisay cisbitaalka degmada Baraawe, deeqdan oo ay bixiyeen Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Amissom ayaa maanta la gaarsiiyay Cisibitaalka Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose Kaas oo dhawaan dib u dayactir lagu sameeyay.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Haweenka oo uu Wehliyo Taliye Kuxigeenka Amissom ee Howlgalka Soomaliya General Kavuma Sam ayaa kormeer ku sameeyen Qeyba uu ka kooban yahay Isbitalka Baraawe, waxeyna La kulmeen Maamulka iyo dadka Deeganka.

“Waxan maanta u taaganaha in aan la wareegno qalabka iyadoo wada dhan sariiro kuma diino joodariyaal iyo daawoyin intaasba waan la wareegnay shacabka reer baraawe aad iyo aad ayey u faraxsan yihiin waana deeqdi maanta koobad ee loo bilaabay oo dhinaca amissom ka imaaday” Sidaasina waxaa Yiri Suldaan Suufi Suldaan Xeydar  oo kamid ah nabaddoonada Degmada Baraawe.

Taliye Ku xigeenka Amissom ee Howlgalka Soomaliya General Kavuma Sam ayaa dhankiisa Tilmamay,  in Degmada baraawe ay ka mid tahay Deeganada  ay  ka soo yeerayan qeyla dhaan la xariirta dhanka Adeegyada caafimadka ah, Sidaasi dartey ay Amissom qorsheesay in Deeq caafimad lagaarsiiyo

Xilibaan Muumina Sh Cumar ayaa deeqda ku wareejiyasa maamulka cisbitaalka, waxayna sheegatay in ay ka jawaabayaan baahida shacabka ku nool degmada kuwaas oo dhibaatoyin dhanka caafimaadka ah ka cabanayay islamarkana cisbitaalku uu ka cabanayay xaalad Dawo yari ah.

“Waan idin caawineynaa intaas iyo in kabadan waxey kaloo sameysay Musqulihii isbitaalka musqulo cusub ayey u dhistay waxey kaloo sameysay ceelka biyaha ee isbitaalka laga isticmaali lahaa intaas da’daal dheer ah ayey Amissom ka geystay meeshaas anaga waan uga hambalyeeneynaa amissom waxaan lee nahay waad mahadsan tihiin intaas iyo inkabadan ayaan idinka sugeynaa” Sidaasi waxaa tiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweyne Marwo Muumina Sh Cumar,ahna Mudane ka tirsan baarlamanka soomaaliya.

Cisbitaalka ayaa waxaa dhawaan dayactir key sameyay taliska ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika ee Amissom, iyadoo dadka deegaankuna ay aad u soo dhaweeyeen.


Add New Comment