Wafdi uu Hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga oo Caabudwaaq gaaray



Wasiirka Difaaca Dawlada Faderaalka Soomaaliya mudane Cabdi qaadir Shiikh Cali Diini iyo Taliyaha Qaybta 21.aad Generaal Cabdi Yuusuf Faadaco iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasirrka iyo Waftigiisa markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka degmada ee Dawlada Galmudug iyo Amaanduulaha Ciidamada qaybta 21.aad  Col, Cabdullaahi Aadan Xuseen ( Col Cirro) wasiirka ayaa  salaal sharaf ka qaatay  Cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee qaybta 21.aad

Wasriirka oo la hadlyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in safarkiisa uu yahay sidii dawlada dhexe ay shacabka ula wadaagi lahayd dareenka waxaana uu ku boorisay in laga shaqeeyo midnimada.


Add New Comment