Xildhibaan Fowsiya Yuusuf oo ku baaqday in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka Federaalka




Xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in muddo kordhin loo sameeyo xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Fowziyo Yuusuf oo horay u soo noqotay Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in waqtiga haatan u haray dowladda oo aad u yar, howl badana ay u yaallaan aysan suura geli karin in mudadaas harsan wax badan lagu qabto.

“Si aan dalka dhowr sano dib ugu dhicin waa in Baarlamaanka muddo yar la siiyaa, oo waqtiga loo kordhinyo”ayay tiri Xildhibaanada oo la hadleysay Idaacada Risaala.

Sidoo kale waxaa xustay si dalka loogu diyaariyo shuruucda looga baahan yahay in doorasho dalka uga dhacdo ay lagama maarmaan tahay in muddo kordhin la sameeyo.

“Lix bilood xataa ha noqoto ama 12-bilood ha noqoto muddo yar la siiyo Baarlamaanka oo ay ku dhameeyaan howshan, baarlamaanka saddex sano la soo tababaray,wuxuu yaqaanaa shuruucda sida loo dejiyo, tababaro ayay dibada u tageen waxay u baahan yihiin inaan la kala daadin, oo aan la tuurin”ayay tiri Wasiiraddii hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Fowziyo Yusuuf ayaa intaa ku dartay in aan loo arkin inay xil doon yihiin, ama in kursiga ku sii dhegenaan, balse ay ku jirto danta dalka in Baarlamaanka waqtiga loogu daro, maadaama aanay doorasho dalka ka dhici karin.

Madaxda dowladda iyo Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in aanay waqti kordhin jiri doono, waxaana ay rajo ka muujiyeen in sanadka 2016 ay dalka doorasho ka dhacdo.

Hal sano ayaa u haray jiritaanka Baarlamaanka hadda shaqeynaya oo la soo doortay Agosto sanadkii 2012, waxaana lagu wadaa in shir dhamaadka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho looga hadlo aayaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana jira guux badan oo ku aadan in la kala dirayo.


Add New Comment