Dad "lagu dilay" howlgalka AMISOM ee Marka



Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay, kuwa kale oo badana waa lagu xirxiray howlgal ay ciidammada AMISOM saaka ka fuliyeen xaafaddo ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay markii xalay booyad ay leeyihiin ciidammada AMISOM lagu qarxiyay magaaladaasi. Ma cadda khsaraaha ka dhashay weerarka booyada.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen xaafadaha magaaldaasi saakay, balse AMISOM ayaan arintan wali ka hadlin.

Xaaladda Marka ayaa hadda kacsan, sida uu soo sheegay weriyaha BBC-da Maxamed Ibraahim Mucalimuu.


Add New Comment