Madaxweynaha Galmudug oo ku laabtay magaalada Cadaado



GM president.jpgMadaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaddib booqasho laba maalmood qaadatay oo uu ku gaaray magaalada Gaalkacyo iyo degaanno kale oo tirsan gobolka Mudug.  

Madaxweyne Cabdikariim ayaa magaalada Cadaado kula kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada, kalana hadlay sidii loo sugi lahaa ammaanka degaannada hoos yimaada maamulka Galmudug iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin bulshada ku dhaqan gobollada uu ka kooban yahay maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in maamulkiisu uu daneynayo in uu wadahadal la furo Ahlu Sunnah si loo dhammeeyo khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa waxa maalinta Khamiista ah ee nagu soo fool leh lagu wadaa in uu caleema-saarkoodu uu ka dhaco magaalada Cadaado, halkaasoo la filayo in ay kasoo qayb galaan madax ka tirsan golayaasha dowladda federaalka iyo wufuud ka socota beesha caalamka.


Add New Comment