Wasiirka difaaca oo ciidanka kumaandooska ku amaanay difaacidda dalka



Barxadda dugsiga tababarka ciidanka ee deegaanka Jazeera ee duleedka magaaladda Muqdisho ayaa maanta ciidamo ka tirsan kumaandooska DANAB ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay kusoo bandhigeen dhoolatus milateri, iyagoo sidoo  halkaasi dab rid ku sameeyay, waxaana goob joog ahaa Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Qaranka iyo saraakiil, waxaana ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka.

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali ‘’Diini’’ Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa ku amaanay ciidankan qaabka ay tababarka u qaadanayaan, isagoo kula dar daarmay ciidanka ka tirsan kumaandooska Qaranka in awoodooda ay ku difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa  tababar u furay 100 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka kaddib  munaasabad kooban oo lagu qabtay dugsiga tababarka ciidanka ee Jaziira.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa ka sheekeeyay muhiimada ciidanka kumaandooska ay dalka u leeyihiin, isagoo xusay in ciidankan ay yihiin kuwa diyaar u ah in cadowga ay ka difaacaan Qaranka

Wasiirka gaashaan dhiga soomaaliya mudane Cabdiqaadir sheekh Cali Diini ayaa u sheegay ciidanka kumaandooska ee maanta dhoolatuska sameeyay iyo kuwa uu tababarka u furay intaba inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta ay ku dhex leeyihin dalkooda iyo dadkooda , isagoo uga digay isticmaalka mukhaadaraadka oo uu qaadka ugu horeeyo.

Ugu dambeyn wasiirka gaashaan dhiga iyo saraakiishii kale ee munaasabada kasoo qeyb gashay ayaa abaal marino guddoonsiiyay Cabdulllaahi Mustaf Cali, Cumar Khaliif Xasan iyo Xuseen Cai Maxamuud oo ka mid ah ciidanka  Kumaandooska ee uu tababarka u soconaya, kuwaasoo saraakiisha tababarka siineysa ay ku amaaneen dul qaad iyo asluub  wanaag.


Add New Comment