Admiral Faarax Qare oo ka hadlay biyaha ay Kenya dooneyso inay sharci darro ku qaadato




Guddoomiyaha Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre) ayaa ka warbixiyay baxadda ay la  eg yihiin biyaha ay ku soo xadgudubtay dowladda Kenya ee ay ku dooneyso inay ku darsato biyaha dalkeeda.

Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay qilaaftay qaanuunkii badda u dhexeeyay labada dal, waxaana jirtay wadahadalo ay dowladda Soomaaliya kalhore la gashay dhigeeda Kenya, inkasta wada hadaladaasi ay noqdeen kuwa fashilmay,  maadaama dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay in aysan ka tanaasulin biyo badeedka ay xaqa u leedahay.

Guddoomiyaha Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed oo ka hadlayay baaxada biyaha ay Kenya dooneyso inay si sharci darro ah ku qaadato ayaa yiri: “Badda 12 nautical miles oo u dhiganta 21 km oo dhanka xeebta, waxaa la yiraahdaa biyaha Qaranka, “territorial Water”, iyo 12 kale oo ku dhegan waxaa la yiraahdaa biyaha xiga, wixii intaas ka dambeeya ilaa iyo 200 Mile badeed oo u dhiganta saddex boqol iyo todobaatan km oo dhanka badda ah, waxaa la yiraahdaa (EEZ) waa mandiqadda gaarka ah ee dhaqaalaha ee dowladdu leedahay, intaas wixii ka soo xageeya waxaa la yiraahdaa continental share, 150 kale ayaan ku leenahay, marka 350 Mile badeed oo u dhiganta 648 km, ayaan badda ku leenahay marka toos loo aado, marka Kenya dhulka ay nagu soo caloocisay haddaan idin sheego, aan ka bilaabo (EEZ) oo ah 200 Mile inta ay soo gashay, oo u dhiganta  saddex boqol iyo todobaatan km, waxa ay gudaha u soo gashay 37 kun oo km, oo ku dhaw Gobolka Hiiraan oo xoogaa lagu daray gobolka Galgaduud ayay la egtahay, haddii aan eego 350 Mile badeed oo u dhiganta 648 km Kenya waxa ay rabtaa inay biyaheeda ku darsato 118 kun oo km ku labo jibaaan,”.


Add New Comment