T A C S I, marxuum Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho



inaalilaahi[1][1].jpg

Allaah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday marxuum Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ka mid ahaa odayaasha fara ku tiriska ah ee ka haray halgamayaashii kasoo qaybqaatay dhaqdhaqaaqyadii gobanimadoonka Soomaaliyeed.

Marxuum Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa sidoo kale lagu xasuusan doonaa doorkii uu ku lahaa nabadeynta dalka iyo inuu horey uga mid ahaa xildhibaannadii barlamaankii kmg Soomaaliya, kaasoo uu xitaa mar ka noqday guddoomiye kumeelgaar ah, kaddib markii lagu soo xulay in uu ahaa xildhibaankii ugu da'da weynaa xildhibaannadii berigaas ka tirsanaa barlamaankii jiray.

Marxuumka ayaa waxa kale oo lagu xusuusan doonaa doorkii uu ku lahaa nabadeynta iyo horumarinta dhinacyada bulshada iyo wax soo saarka beeraha ee gobolka Shabeellaha Hoose guud ahaan, gaar ahaan degmada Afgooye.

Geerida marxuum Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa waxa loogaga tacsiyeynayaa eheladiisi, asxaabtiisi, dadweynaha ku dhaqan degmada Afgooye iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Dhammaan maamulka shabakadda warbaahineed ee SilGor.com ayaa ayagana diraya tacsi taas la mid ah, Xaajigana waxa Allaah loogaga baryayaa in uu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa ehelkana uu sabar iyo iimaan ka siiyo, aamiin.

Add New Comment