Soomaaliya oo maanta gudbinaysa dacwad ku saabsan muranka xuduud-badeedka kala dhexeeya Kenya



Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta si rasmi ah waxay dacwad uga gudbinaysaa dalka Kenya oo ay ku eedeyneyso in ay si sharci darro ah ugu soo xadgudubtay xuduud badeedka Badweynta Hindiya ee labada dal u dhexeeya.

Muranka xuduud-badeedka labada dal u dhexeeya ayaa yimid kaddib markii Kenya uu damac ka galay kheyraad dhinaca shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah lagu sheegay, taasoo intaas kaddibna ay Kenya qandaraas ku siisay shirkado baara batroolka oo caalami ah.

Dacwadda Soomaaliya ay maanta u gudbinayso Maxkamadda Caalamiga ayaa caddeyn u ah in ay Kenya si been-abuur ah dhowaan u sheegtay in Soomaaliya ay ka laabatay dacwadda, ayna wadahadal ku dhameysan doonaan muranka u dhexeeya.

Sharciyaqaano iyo xubno matalaya dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir ayaa gaaray magaalada the Hague, kuwaas oo si rasmi ah u gudbin doona dacwadda.

Axmed Cali Daahir oo u warramaya BBC-da ayaa sheegy in dacwadda laga fursan waayay maxkamadda kaddib markii isfahanka ay Kenya doonayso noqday mid aan waafaqsanayn daanta Soomaaliya.


Add New Comment