Xildhibaan Jeesow: ” Guddiyada Madaxa banaan waxa ay ku dhisan yihiin sharci”



xildhibaan jeesow  L.jpgGuddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka soo hor jeestay eedeymo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay u jeediyeen oo ku aadan in aysan sharci ku dhisneen Guddiyada Doorashada iyo Federaalka ee Baarlamaanka dowladda dhexe ay meel mariyeen.

Mudane Jeesow ayaa carabka ku adkeeyay in ansixinta Guddiyadaasi ay ka horreysay la tashiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka uu la sameeyay Maamulladaasi si loo soo dhiso guddiyadaasi.

“ waa sharci labada guddi waayo waxay heestaan kalsoonida Baarlamaanka, waxaana kuu sheegayaa in guddiga Xuduudaha uu ka shaqeyn karo meel kasta calan Soomaaliyeed uu ka babanayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Si kastaba  Hadalka Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka ayaa imaanaya xilli dhawaan qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada ay ku dhawaaqeen in guddiyada Madaxa banaan ee Dowladda Federaalka ay soo Magacaawday aanu tagi karin deegaanadooda.


Add New Comment