DANJIRE KAY: Qaramada Midoobay Waxay Kala Shaqeyn Doontaa Somalia Dhismaha Ciidamada



Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay ayaa Cambaareeyay labadii Weerar ee Xalay ay Al-shabaab ku Qaadeen Siyaad Hoteel iyo Wehliye Hoteel oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Danjire Kay ayaa sheegay in Weerarradaasi ay ahaayeen kuwo lagu Gumaadayo Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dhankooda aad uga xunyihiin waa sida uu yiriye.

“Waxaan cambaareynayaa Weerarradii Argagixiso ee xalay Muqdisho ka dhacay, waxaana ka xumahay Weerarkaas Arxan-darrada ah ee lagu gumaadayo dadka rayidka ah. Weerarku wuuxuu dhacay xilli lagu jiray Salaadda Maqrib oo ay dadku Afurayeen,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.

Sidoo kale, Wakiilka QM ayaa amaan u jeediyay ciidamada dowladda oo uu sheegay inay fashilyeen weerarkaasi, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay ay Dowladda Federaalka Somalia kala Shaqeynayaan Dhismaha ciidammo Xooggan oo Qaranku leeyahay.

“Waxaan Ammaan u jeedinayaa Ciidamada Amaanka ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku guuleystay inay ka hortagaan oo ay yareeyaan inay khasaare badan ka dhalato Weerarradaasi argagixiso ee la doonayay in dad rayid ah lagu gumaado. Qaramada Midoobay waxaay sii wadaysaa inay dowladda Somalia kala shaqeyso si loo dhiso ciidammo amni oo xooggan, awoodna u leh ilaalinta hay’adaha dowladda,” ayuu mar kale yiri Wakiilka QM ee Somalia.

Ugu dambeyn, Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-sabaab ayaa fuliyay Weerarkaas, iyadoo lagu dilay dad ka badan 11-qof oo shacab iyo xoogaggii weerarka qaaday isugu jira, inkastoo dowladdu aysan weli war rasmi ah kasoo saarin khasaaraha ka dhashay weerarradaas.

Add New Comment