Wada-hadal u billowday Galmudug iyo Ahlu Sunna



Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay inuu wada-hadal u billowday maamulka cusub ee Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Odawaa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wada-hadalka u furmay labada dhinac uu noqon doono mid lagu guulaysto, laguna soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Wuxuu ku ammaanay ururka Ahlu Sunna doorkii uu ka ciyaaray in qeybo badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud laga xorreeyo kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa mucaaraday maamulka cusub ee laga yagleelay magaalada Cadaado, kaas oo madaxweyne loogu doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Isagoo ka hadlayay xiriirka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, Odawaa ayaa sheegay inay xiriir fiican la leeyihiin maamullada dhisan sida Koonfur-galbeed iyo Jubba.


Add New Comment