Wafdi ka socda IGAD oo maanta ku sii jeeda magaalada Baladweyne




Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in lagu wado inay maanta halkaasi gaaraan wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD.

Wafdiga ayaa Baledweyne u tagaya sidii loo dardargalin lahaa shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasoo muddooyinkan dambe uu ka taagnaa muran iyo is jiid jiid ku aaddan sida uu u qabsoomayo iyo ergooyinka beelaha dega labadas gobol.

Qaar kamid ah Beelaha Dega Gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee gogoshiisu ay taalo magaalada Jowhar.

Wafdiga IGAD ee Baledweyne ku wajahan ayaa la filayaa in ay xal ka gaaraan arrinta maamulka loogu sameynayo Labada Gobol.


Add New Comment