Taliyaha ciidanka booliiska oo ka qeybgalay munaasabad xalay lagu qabtay degmada Yaaqshiid



SG Xaamud.jpgTaliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka qeybgalay munaasabad sare loogu qaadayay wada shaqeynta ciidanka booliiska iyo bulshada oo xalay lagu qabtay xarunta degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa  ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska, kooxda Bambeyda Heegan, mas’uuliyiinta maamulka degmada yaaqshiid iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamuud Cadaawe oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin bulshada deegaanka.

Generaal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa halkaasi ka sheegay in ciidamada looga baahanyahay in soo dhaweeyaan bulshada, islamarkaana sidoo kale bulshada looga baahanyahay iney ciidamada kala shaqeeyaan sugidda nabadgelyada.


Add New Comment