Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo laga saaray liiska xayiraada gaarka



Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa laga saaray liiska xayiraada gaarka ah ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ku soo rogtay ee OFAC , iyadoo horey looga saaray sanadkii 2013 liiskii Qaramada Midoobey.

Mareykanka ayaa sanadkii 2011 kadib weerarkii 9/11 waxaa uu xayiraad ku soo rogay Shirkaddii Xawaalada ee Al-Barakaat oo uu maamule ka ahaa Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa 15-kii sano ee u dambeeyay saarneyd xayiraad dhanka socdaalka ah, waxaa lagu tilmaamaa ninka ugu saamiga badan ee ku lahaa Shirkadii Xawaalada Barakaat.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka xayiraada laga qaaday Mr Axmed Nuur Jimcaale guul, maadaama si gardaro ah xayiraad loo saaray, waxaana uu doorar muuqda horay uga qaatay taageerida dadka Soomaaliyeed.

Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale ayaa xayiraadan waxay ku yeelatay saameyn shaqsi ah, waxaana uu u mahad celiyay cid alaala cidii gacan ka geysatay.

Xayiraad ka qaadistan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dowladda Mareykanka ay xiriir wanaagsan la leedahay Soomaaliya, iyadoo muddo 25-sano kadib u soo magacawday Safiir rasmi ah.


Add New Comment