Ban-Ki- Moon Oo Hambalyo U Diray Ummadda Soomaaliyeed



Munaasabad lagu weyneynayey xuska maalinta Qarannimada Ummadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo ayaa markii ugu horraysay muddo 26 sano ah habeenimadii xalay lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Xuska 55-guurada markii Soomaaliya xornimada qaadatay waxaa kasoo qaybgalay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo diblomaasiyiin badan oo ka socotay waddamada caalamka.

Ban Ki Moon oo halkaasi ka hadlay waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:

"Mudanayaal iyo marwooyin Asalaamu Calaykum, Ramadaan Kariim. Waxaa sharaf ii ah inaan idinla dabaaldego afurkan bishan barakaysan ee Ramadaan. Waxaan u mahadcelinayaa wakiilada Soomaaliya inay qabanqaabiyeen munaasabaddan. Waxaan u hamabalyaynayaa dawladda iyo dadka Soomaaliyeed 55- guurada xornimadiina. Booqashadaydii Soomaaliya aan ku tagay sanadkii hore waxaan markhaati ka noqday horumarka joogtada ah ee waddanku samaynayo caqabadaha haysta ka sokow."


Add New Comment