Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah



Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews,  ayaa maanta xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi oo  dhanka Amniga ku saabsan.

Saxiixa Heshiiska ka dib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskani  uu wax badan u tarayo labada dal isla markaana ka caawinayo in ay iska kaashadaan la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

“Heshiiskan wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa in awood ay u hesho dhismaha Hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale in labada dalka ay yeeshaan wada shaqayn dhow oo la xiriirta Amniga, si aan uga guuleysano kooxaha xagjiriinta ah ee dhibatada ku haya dalkeena.” ayuu yiri Wasiir Diini.


Add New Comment