Ra’iisul Wasaaraha XFS oo difaacay go'aanadii shirkii MWT ee Muqdisho



Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’rake ayaa sheegay in go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha Qaran ay u gudbin doonaan hay’adaha sharci dajinta ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay Laanta Af Soomaaliga ee VOA- ayaa tilmamay in hay’adaha sharci darjinta ay hor dhigi doonaan go’aanadii ka soo baxay shirkii dhawaan Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay, isagoo xusay dhan waliba ka eegeen xaaladda uu hadda dalku marayo kadibna ay go’aansadeen in ay raacaan habka 4.5 oo lagu soo dhisi doono awood qeybsiga baarlamaanka, halka aqalka sare uu noqon doono mid loo qeybin doono maamul goboleedyada dalka jira.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay xalineyso wixii tabasho ah ee jira, isla markaana wax kasta lagu dhameyn doona miiska wada hadalka, waxaana uu sheegay inay muhiimtahay in aan la horseedin xasilooni darro dalka ka dhacdo.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dhamaadka bisha soo socda ee Febraayo shir ka dhici doona magaalada Istanbul lahgu dhameystiri doono waxyaabaha qabyada ah ee ka dhiman geedi socodka nabada, kaasi oo ay ka qeyb geli doonaan wakiilada beesha caalamka iyo mas’uuliyiin kale.


Add New Comment