Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay furitanka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya



Ahmed Abuu Al-Qeyd oo ah Xoghayha Guud ee  Jaamacadda Carabta  ayaa soo dhaweeyay horumarka iyo guulaha laga gaaray Doorashadii ka dhacday dalka Soomaliya oo ay ku soo baxeen Xildhibnaanada cusub ee Barlamanka  labada aqal ee Soomaaliya.

Xogjhahaya Guud ee Jaamacadda Carabta wuxuu kaloo talaabo horumar ah ku tilmaamay  furitaanka fadhiyda howlaha Xubnaha Baarlaanka cusub ee Soomaaliya , taasoo  31 kii bishii hore ee Dishenber ay ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Mohamed Cafiifii oo ah afhayeenka rasmiga ah  ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta  ayaa sheegay inay Jaamacadda Carabta  ay u aragoto talaabo horumar ah oo geesinimo ah  ee hore loo qaaday Siyaasadda iyo dimoqaradiyadda dalka Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay  ka tarjumayso masaalixda caamka ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo waliba midda  xasiloonida guud ee dalka.

Afhayeenku wuxuuna daboolka ka qaady inay Jaamacdda Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadato kormeerka doorashada Guddoonka sare ee Xubnaha Baarlamnka cusub ee Soomaaliya, ayna u oo diri doonto  Soomaaliya wafdi sare oo indha indheeya hanaanka doorasho ee hogaanka Baarlamanka iyo tan Madaxweynaha cusub ee Soomliya oo la filyo inay dhawan dalka ka dhacaan.


Add New Comment