Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo maanta ku geeriyooday magaalada Beledweyne





Allaah ha u naxariistee waxaa goor dhow si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaskii beesha Xawaadle, kana mid ahaa madax-dhaqameedka ugu magaca dheer dalka Soomaaliya.

Geerida naxdinta leh ee ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa timid kaddib markii uu xanuun si lama filaan ah ugu soo booday asaga oo markaasi ka qaybgalayey shir ka socday magaalada Beledweyne, markaas oo loola cararay cusbitaalka magaalada oo uu uu ku geeriyooday.

Geerida ku timid marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa waxa loogaga tacsiyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladiisii, beesha Xawaadle iyo umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Marxuumkana waxa Allaah loogaga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa - AAMIIN.

Add New Comment