Qadar Oo Kordhineysa Taageerada Dawladda Soomaaliya


Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dawlada Qadar Ayaa Sheegay In Dawlada Qadar Ay Sii Kordhineyso Taageerada Iyo Tababarada Ay Siineyso Dawlada Somaliya Si Loo Xoojiyo Dhismaha Hanaan Dawladnimo Oo Xoogan, Waxaana Dawlada Qadar Ay Muujisay Sida Ay Ugu Faraxsan Tahay Hormarka Dawlada Federalka Somaliya Ay Ka Sameysay Siyaasadda.

Mas’uuliyiinta Dawlada Qadar Waxa Ay Sheegeen In Somaliya Ay Ka Taageerayaan Sidii Loo Kordhin Lahaa Tababarada Shaqaalaha Wasaaraddaha Dawlada Iyo Dib U Dhiska Dalka, Waxaana Bartamaha Sanadkan Ay Dawlada Qadar Ay Sheegtay In Somaliya Ka Fulin Doono Mashaariic Kala Duwan Oo u Badan Dib U Dhiska Dalka.

Dawlada Qadar Ayaa Waxa Ay Ka Mid Tahay Dawladaha Carbeed Ee Taageerada Dhinacyada Kala Duban Siiya Dawlada Somaliya, Waxaana Labada Dawladood Ay Leeyihiin Xiriir Wanaagsan Oo Soo Jireen Ah.

Dhammaadkii Bishii December Ee Sanadkii Hore Ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibada Qadar Waxa Ay Fulisay Tababar La Siinayey 17 Diplomaasi Oo Ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliya.


Add New Comment