Ra’iisul wasaare ku-xigeenka “Booliska waa saaxiibka koowaad ee shacabka”



Ra’iisul ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo u wehliyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta kormeeray dhowr xarumood oo ay ciidamada booliska ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan booliska ay kormeer ku tegeen xarunta gaadiidka ciidanka booliska, xarunta taliska ciidanka booliska, qebta miino baarista ciidanka booliska, taliska gobolka ee ciidanka taraafikada iyo qeybta guud ee taliska gobolka benaadir, kuwaasi oo ah xarumaha ay ku howgalaan ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dowladda ka codsday in ilgaar ah lagu eego dhalinyarada aqoonta heerka Jaamacadeed leh ee ka tirsan booliska.

“Ciidamada hadda haysta shahaadaa dugsiga sare iyo kuwa heerka Jaamacadeed oo ah mustaqbalkii beri na badali lahaa waxaan dowladda ka codsaneynaa in tixgelin gaar ah la siiyo, lagu dhiiri geliyo howlaha ay bulshada ugu adeegayaan” ayuu yiri Taliya ciidanka booliska.

Ra’iisul ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in la xoojin doono tababbarada la siinayo ciidanka booliska, isagoo xusay in booliska uu yahay baraaaraha shacabka.

“Boolisku waa saaxiibka koowaad ee shacabka, waxaan doneynaa inaan soo celino isku xirka ciidanka booliska iyo shacabka, boolisku waa ilaaliyaha sharciga, maadaama dib u dhis lagu sameynayo ciidanka ninka askariga nuuca aan ka rabno in uu noqdo waxa ay tahy mid u adeega bulshadiisa, kana hortag cadowga dhibta ku haya” ayuu yiri ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha.


Add New Comment