Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Hobyo



Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihin Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Maxamed Xasan Nuux, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Mahad Salaad ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxa ay halkaasi kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaasi oo ay kala hadleen xaaladda amaan ee degmada Hobyo iyo sidii maamul deegaan loogu sameyn lahaa.

Sido kale kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada xaajoodka lala galayo Ahlusunna Waljamaaca, si ay qeyb uga noqdaan dowlad goboleedka galmudug.


Add New Comment