Shariif Xasan oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Baydhabo



Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa xusay inay jiraan dad aan waxba looga qaban karin Isbitaalada Baydhabo, loona baahan yahay in kaalmo caafimaad oo dibada ah loo qaado, si loo baxnaaniyo.

“Naftood haligayaal ah ayaa dadka haligeen, dhibaato badan ayayna geysteen, waxaa ka codsaneynaa dowladda iyo Caalamka inay si deg deg ah loogu soo gurmado dadkii dhibaatada soo gaartay, gaar ahaan kuwa aan waxba halkan looga qaban karin”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay inay adag tahay in qof raba inuu is qarxiyo in laga hor-tago, hase ahaatee waxaa uu xusay inay socdaan qorshayaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga saarayo deegaanada gobolada dalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaas, isla markaana la beegsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Qaraxyada ayaa goobaha lala beegsaday ay ahaayeen maqaayado ku yaallay faras magaalaha magaalada, waana goobo aad u mashquul ah, dad badana ay xilliyada galbihii isugu tagaan.

Dad ku dhow 30-ruux ayaa ku geeriyooday qaraxyadii shalay ka dhacay Baydhabo, waxaana ku dhaawacmay illaa lixdameeyo ruux, iyadoo dad ku dhow labaatan ruux xaaladooda ay aad u liidato, isla markaana waxba looga qaban karin magaalada Baydhabo.


Add New Comment