Jen. Tuur Yare “Amniga Muqdisho waxaa lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir”




Gen TY.jpgTaliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa faah faahin ka bixiyay go’aano xalay ka soo baxay kulan looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho, kadib qaraxyadii habeen hore gil gilay magaalada, kaasoo dad badan ku dhinteen.

Jen. Tuur Yare ayaa sheegay in go’aanada shirkaas ka soo baxay la isla gartay in wixii hada ka dambeeya Mas’uuliyada ammaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adihiisa Amniga.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adihiisa Amniga qaabilsan ayaa ka mas’uul ah wixii hada ka dambeeya ammaanka magaalada Muqdisho, waxaa ku wargelinayaa in aysan cidna ku haleyn, Adduunka qaabka amniga loo sugo magaalooyinka ayaa hada kadib loo sugayaa magaalada Muqdisho”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

Taliyaha Nabadsugida ayaa sheegay in hada kadib Maamulka Gobolka Banaadir lagula xisaabtami doono amniga magaalada Muqdisho, isagoo xusay in markii hore ay kala maqneyd isku xirkii hey’adihii amniga, shacabka iyo maamulka degmada sida uu yiri.

“Hada ka hor waxaa kala maqnaa xogta, Maamulka iyo shacabkii, kii xogta hayay ee Nabadsugida ah, kii awooda ciidan hayay oo booliska ah iyo maamulka degmada oo shacabka ku xirnaa, waxaa sameysmaya Guddiga amniga degmada, waxaa kala maqnaa xogtii, awooda iyo maamulka, marka intaas la sameeyo ayaa lagula xisaabtamayaa”ayuu yiri Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Taliyaha Nabadsugida ayaa sheegay in Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir la hoos-geyn doono Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho, isagoo tilmaamay in la isla gartay in maamul kasta in amnigiisa isaga mas’uul ka noqdo.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in wixii hada ka dambeeya maamulka Gobolka Banaadir ka caawin doonaan tababarka ciidamada iyo qalabeynta, isagoo xusay in Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska ay howshooda noqon doonto inay aadaan furmiha dagaalka.

“Taliye nabadsugid iyo Taliye boolis waxay hada kadib raacdeysan doonaan cadawga, saakow iyo meelaha ay joogaan ay aadi doonaan, gobolkan amnigiisa dadka ka madax ah ayaa la weydiin doonaa, Ciidamada Nabadsugida ee banaanka ugu tala galnay ayaa la howl gelin doonaa, Milateriga la shaqeyn doonaa, magaaladan dadkeeda ayaa ka shaqeyn doonaa, shaqadana waa la kala saari doonaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray Taliyaha Nabadsugida uu ku cadeeyay in amniga Magaalada Muqdisho lagula xisaabtami doono Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya, iyadoo qaraxyo iyo weeraro ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho muddooyinkii u dambeeyay.

Add New Comment