Duqa magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Istanbul oo heshiis kala saxiixday




Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la kulmay Duqa magaalada Istanbul Dr. Kadir Topbas, iyagoo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya.

Kulankan ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ku wehliyay xubno ka tirsan Maamulkiisa oo ka qeyb galay shirkii labada maalmood socday ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Labada Duq magaalo ayaa is tusay sida lagama maarmaan u tahay in la mataaneeyo Istanbul iyo Muqdisho, isla markaana Istanbul ka qeyb qaadato howlo mashaariicdda ah oo laga fulinayo Caasimada Muqdisho, sida dhisida Jidadka Halbowlaha u ah Muqdisho.

Duqa magaalad Istanbul Dr Kadir Topbas ayaa sheegay in 15-ka Mach ay koox qubaro ah oo qiimeyn  ku sameynaya baahayaadka ay qabto dowladda hoose ee Muqdisho ay soo diri doonaan Magaaladda Muqdisho.

Heshiiskan ayaa lagu balamay si deg deg ah in loo dhaqan geliyo, isla markaana labada magaalo ay ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo bilic soo celinta, ayadoo Duqa Magaaladda istanbuul uu balan qaaday in si dhaqso ah ay u soo diri doonaan Basaska iyo Dab-damis loogu deeqay G/Banaadir.


Add New Comment