War-murtiyeed laga soo Saaray Shirkii Soomaaliya loogu Qabtay Magaalada Istanbul ee Turkiga



Waxaa lagu soo Gunaanaday Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shir looga hadlayay arrimaha Somalia oo socday laba casho, kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 31-qodob.

Qodobbada lagu xusnaa War-murtiyeedka Shirkaan laga soo saaray Waxaa ka mid ahaa; In shirkaan ay ka Qayb-galeen Wufuud ka kala socday 54 waddan iyo 11 hay’adood oo Dalal Caalamka ah ka kala socday.

Sidoo kale, Waxay ka Qayb-galayaasha Shirka soo dhaweeyeen sidii Barnaamijka Higsiga Cusub ee Somalia [New Deal], iyadoo dhanka kalena Amaanay sida ay Dowladda Somalia wax u Maamushay, Gaar ahaan Nabadda iyo Dib-u-dhiska dalka; iyagoo xusay inay jireen caqabado kala duwan oo hor-taagnaa howlahan fulintooda.

Waxaa kaloo, War-murtiyeedka lagu xusay in muddo xileedkii Baarlamaanka FS uu ku eg-yahay sannadkan, loogana baahan yahay Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda federaalka Somalia inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd 2016.

Ka-qayb-galayaaha ayaa waxay kaloo xuseen inaysan sanadkan ka dhici karin Soomaaliya Doorasho Qof iyo Cod ah, iyagoo xusay inay Taageerayaan Go’aankii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Muqdisho sannadkan 2016-ka ee ku aaddanaa Hanaanka Doorasho ee Somalia ka dhacaysa, kaasoo ahaa in isku dhaf ah ay ku dhacdo doorashada.

Waxay kaloo, Xubnahani Sheegeen inay Dareemeen Maqnshaaha ay ka Maqnayd Shirkaan Puntland, iyagoo Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada ka jira dalka inay muujiyaan sidii ay Puntland qayb uga noqon lahayd arimahan, si doorashada sanadkan ka dhacaysa Somalia ay cid walba uga qayb-qaadato.

Xubnihii ka qayb-galay Shirkaan lagu Qabtay Istanbuul ayaa Sheegay in ku Talinayaan in Sannadka 2020-ka ay Somalia ka dhacdo doorasho uu Qof walba oo Soomaali ah codkiisa ka dhiiban karo.

Waxay kaloo ay ku taliyeen in la dar-dar-geliyo dhismaha Maamulka ay Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe yeelanayaan, kaasoo dhismihiisuba uu haddaba socdo. Iyagoo intaa ku daray inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Waxay kaloo ay ku taliyeen in la dar-dar-geliyo dhismaha Maamulka ay Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe yeelanayaan, kaasoo dhismihiisuba uu haddaba socdo. Iyagoo intaa ku daray inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay ka qayb-galayaashu hoosta-ka-xariiqeen in Dastuurka Somalia ee hadda lagu howlan yahay wax ka bedelkiisa lagu saleeyo hannaanka federaalka uu Dalku xilligan u gudbayo, isla markaana uu noqdo Dastuur ay shacabka Somalia isku raacsan yihiin, kana shaqeynaya nabadda, gun-dhigna u noqda degenaasho siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

Ugu dambeyn, War-murtiyeedkan oo dheeraa ayaa waxay Xubnaha shirkan ka Qayb-galay waxay u mahad-celiyeen dallaka ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, kuwaasoo kala ah; Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Add New Comment