Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow furay Shirka Istanbul ee Arrimaha Soomaaliya





Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhow magaalada Istanbul ka furay shirka Madasha 6aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo looga hadlayo arrimaha amniga iyo siyaasada Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madax ka socota Maamul goboleedyada qaar, Xildhibaano iyo ergo ka socota 50 dal iyo Hey’ado caalami ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Turkiga ayaa si wada jir ah u shir guddoomin shirkan, iyadoo looga hadlayo horumaradii u dambeeyay ee ay sameysay Soomaaliya iyo tageerada ay u baahan tahay.

Waxyaabaha muhiimka ah ee shirka lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Soomaaliya, kaasoo Baarlamaan cusub iyo Madaxweyne cusub lagu soo dooran doono.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inya door muuqda ka ciyaaraan taageerida Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa laga soo saaro doono go’aano la xiriira siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo lagu ayidi doono go’aanka dowladda iyo Beesha Caalamka ku gaareen nooca doorasho ee dalka ka dhaca bisha Agosto ee sanadkan.


Add New Comment