Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka oo heshiis muhiimah la saxiixaday dowladda Turkiga




Wasiirka Tamarka dowladda federaalka Somalia, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga heshiis kula saxiixday dhigiisa dalka Turkiga Serhat Albayrak, heshiiskaasoo labada wasaaradood ugu qeyb qaadanayaan sidii Somalia loogu heli lahaa biyo nadiif ah.

“Waxaan diyaar u nahay in aan Somalia garab istaagno  si hagar la,aan ah . waxaa taasi kuu caddeeyn kara sida Madaxweynaha Turkiga  Erdogan iyo Raisal wasaraheeha Dowlada Turkia kaalinta buuxdo ay ka qaateen dib u dhiska Somalia, kulankeena maanta waxuu ka mid yahay dadaaladaas ay waddo dowlada Turkiya" sidaasi waxaa yiri wasiirka tamartka Turkiga.

“inaga malaayga idinma soo dabeeno waxaan idin bareeyna sida loo dabto malaayga, taaso macnahedu yahay waxaan idiin dhiseeyna warshadahii sameeyn laha biyahaasi nadiifka , sidoo kale waxaan tababar siin doonaa shaqalahii ka shaqen lahaa howshaasi. ayuu sii raaciyay wasiirka tamarka Turkiga.

Wasiirka tamarka Somalia Maxamed Mursal Sh. ayaa ka mahad celiyay taageerada ay Dowladda Turkiga la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa door muuqda ka ciyaartay dib u dhiska iyo horumarka ka socda dalka Somalia, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ku taageertay adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaar.



Add New Comment