Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Beledweyn


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Sida ay sheegayaan wararka safarka Madaxweynaha ayaa ujeedadiisa tahay sidii uu u xalin lahaa cabashada ay qabaan qaar ka mid ah beelaha Gobolka Hiiraan, iyo sidii loogu qancin lahaa ka qeyb galka shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay gogoshiisa taalo magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Gobolka Hiiraan, si uu u xaliyo muranka ka dhashay qeybintii Odayaasha soo xulaya ergooyinka ka qeyb galaya shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Labo todobaad ka hor ayaa wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano gaaray magaalada Beledweyn ay ku guuldareysteen in mar kale odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ku qanciyaan inay tagaan Jowhar, si ay uga qeyb galaan shirka maamul u sameynta Labada Gobol.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhamaadkii bishii December booqasho ku tagay magaalada Beledweyn, maalmo kadib markii Madaxweynuhu wareegto ku magacaabay in magaalada Jowhar lagu qabanayo shirka maamul u sameynta, halka Buulo Burde ay tahay Caasimada Maamulka labada gobol, taasoo qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan ka hor-yimaadeen, waxaana kulamo uu xilligaas beelaha la qaatay uu ku guuleysto inuu ku qanciyo ka qeyb galka shirka.

Hase ahaatee markii Madaxweynaha uu magaalada Jowhar ka furay shirka 12-kii bishii hore ee Janaayo ayaa hadana waxaa soo baxay caqabad kale, kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku dhawaaqday tirada odayaasha dhaqanka soo xulaya ergooyinka ay beel walba saluugtay tirada ku soo aaday.

Lama oga inta uu qaadan doono booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Beledweyn, waxaase laga yaabaa in maalmo ay qaadato sidii beelaha ugu dhaadhicin lahaa ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Daawo sawirrada

Add New Comment