Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Maanta Booqday Deegaanka Biyo Cade



Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cali Baashi iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday deegaanka biyo cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhawaan laga xoreeyay argagaxisada Al Shabaab.

Abaanduulaha oo kormeerayay sida ay u sugayaan amniga sooma jeestayaash Ciidanka Xoogga  Dalka Soomaaliyeed ee ka dulqaaday deegaankaasi cadowga isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeyo guuto Cali Baashi ayaa deegaankaasi qeybaha kale duwan uu ka koobanyahaykormeeray iyo difaacyada ciidamada oo awaamiir la xiriirta xaqiijinta amniga uu siiyay ciidamada halkaasi ku sugan.

“Waxaad u hurteen naftiina daafaca qaranimada Soomaaliyeed runtii waad ku amaanantihiin shaqada wanaagsan ee aad u heysaan umadda Soomaaliyeed, shaqada idiin sugeysa ma yara oo waxaa la idiin ka rabaa in aad cadowga ka dulqaadaan meelaha kale oo ay ku dhuumaaleysanayaan” Ayuu Yiri Abaanuulaha.

Sareeyo Guuto Cali Baashi Oo La hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guud ahaan laga xoreynayo maleeshiyaadka shabaab deegaanada fara ku tiriska ah ee dalka ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Deegaanka Biya Cade ee Gobolka sh/dhexe ayaa lagusoo warramayaa iney ka jirto xaalad liidato oo dhanka nolosha.



Add New Comment