Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta gaaray magaalada Beledweyne



Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeye gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii hore ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliye Xaamud iyo wafdiga la socda ayaa waxa garoonka dayaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo dhoweeyey madaxda maamulka gobolka iyo saraakiisha qaybaha kala duwan ee ciidama qalabka sida ee ka howlgala gobolka.

Booqasha taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Beledweyne ayaa waxaa ujeedada ka dambeysa lagu sheegay in ay tahay u kuur-gelidda amniga magaalada iyo kan gobolkaba, sidoo kalena sara u qaadidda howlaha ciidanka booliska ee gobolka iyo sugidda ammaanka.

S/gaas Xaamud ayaa inta uu ku gudajiro safarkiisa gobolka Hiiraan ayaa kulamo la yeelan doona mas'uuliyiinta gobolka, hay'adaha ammaanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee halkaasi ka howlgala.

Add New Comment