WASIIRKA AMNIGA: Ma jiro Amar aan Ciidamada ku Faray inay Baaris ku Sameeyaan Xildhibaannada BFS



Wasiirka Amniga Xukuumadda FS C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay inaysan jirin Amarro ay bixisay Wasaaraddiisa, kuwaasoo lagu farayo ciidamada inay baaritaanno ku sameeyaan xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

C/risaaq Cumar oo shalay hortagay Baarlamaanka FS, ayaa waxaa su’aalo laga weydiiyay arrimo la xiriira Amniga dalka, iyadoo xildhibaannada inta badan ay weydiinayeen su’aalo la xiriira ammaankooda.

“Amar ay wasaaraddu bixisay oo ku saabsan baaritaan xidhibaannada BFS lagu sameynayo ma jiro. Waa sax ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugida aniga ayay i hoos-yimaadaan, balse ma jiro amar aan ku siinnay inay Xildhibaanada baaris ku sameeyaan,” ayuu wasiirku daba-dhigay hadalkiisa.

Sidoo kale, Wasiirka Amaanka ayaa xusay inaysan raalli ka ahayn in Xasaanadda Xubnaha Baarlamaanka Somalia lagu xad-gudubo, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada amniga ka shaqeynaya aysan qaarkood aqoon xasaanadda uu xildhibaanku leeyahay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia qaarkood ayaa waxay sheegeen in lagu sameeyay baaritaanno, halka kuwo kalena ay sheegeen in rasaas ay ku fureen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Su’aalahan la weydiiyay shalay Wasiirka Amniga Somalia ayaa Waxay ka yimaadeen hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ahaa in xidlhibaannada iyo mas’uuliyiinta kale ee Dolwadda FS ay ogolaadaan in Baaritaanno lagu sameeyo, taasoo xildhibaannada ka careysiisay.

Add New Comment