Wakiilka xoghayaha guud ee Q. M. iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta booqday Cadaado



Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Michael Keating iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee maamul-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka ayaa wafdigaasi si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, waxaana xubnaha la socday Keating ka mid ahaa danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Itoobiya, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.

Ujeeddada socdaalka wafdigaasi, ayaa lagu sheegay in ay tahay in maamulka Galmudug ay kala hadlaan go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha wada-tashiga ee dhowaan lagu soo gabobageeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin socdaalka wefdiga beesha caalamka uu maanta ku tagay magaalada Cadaado.

Wafdigan uu hoggaaminayo Michael Keating  ayaa horay u tagay magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, si maamullada ka jiro magaalooyinkaas ay ugu qanciyaan go’aankii ka soo baxay shirki madasha wada-tashiga.


Add New Comment