Michael Keating oo Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha maamulka K/Galbeed



Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo isagoo kulan la qaatay madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shir jaraa’id oo labada mas’uul ay ku qabteen Baydhabo  ayeey ku sheegeen iney ka wada hadleen arrimo ku saabsan doorashada dalka ka dhicidoonta sanadkan, iyo sidii maamulkaasi looga taageeri lahaa dhinaca horumarka.

Waa markii ugu horreeysay ee ergayga hoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating uu booqasho ku tago magaalada Baydhabo.


Add New Comment