Shirkadda Turkish Airlines oo dib u bilowday duulimaadkeeda Muqdisho



Shirkadda Turkish Airlines ayaa maanta dib u bilowday duulimaadkeedka Muqdisho, kadib markii dhawaan garoonka lagu soo kordhiyay adeegyo casri ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa baro cusub oo lagu xoojinayo amniga lagu soo kordhiyay, si loo nabadgelyada dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka, waxaana sidoo kale garoonka la geeyay eeyo tababbaran oo baaritaanno ku sameynayo qalabka ay dadka baxaya iyo kuwa soo degaya ay wataan.

Shirkadda ayaa maanta si rasmi ah u bilowday howlihii duulimaad ee ay ka sameyn jirtay Soomaaliya, taasi oo ka dambeeyay markii garoonka lagu soo kordhiyay adeegyo dhanka ammaanka ah.

2-dii bishan ayay ahayd markii diyaarad Shirkadda Daalo Airlen oo ka duushay Garoonka Aadan Cadde la isku dayay in la qarxiyo oo halkaasi lagu dilo rakaabkii diyaaradda saarna, balse Alla ayaa ka badbaadiyay dhagartii ay maleegayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, taasi oo keentay in uu dhinto qofkii shirqoolka qaraxa ah maleegayay.


Add New Comment