Soomaaliya iyo WHO oo heshiis caafimaad kala saxiixday



Heshiis lagu hormarinayo howlaha caafimaadka Soomaaliya ayaa wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya waxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula saxiixtay hay’ada caafimaadka Adduunka ee WHO.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Xaawa Xasan Maxammed ayaa VOA-da u sheegtay inay hay’adda WHO ay ku heshiiyeen shan qoddob oo la xiriira daryeelka caafimaadka bulshada iyo ka hortaga cudurada la isqaadsiiyo.

Wasiirka caafimaadka ayaa dowlada Soomaliya u saxiixday heshiiska oo ahmiyad u leh adeegyada caafimaad ee bulshada.

Heshiiskan dhexmaray Soomaaliya iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa socon doonaa muddo labo sano ah, waana mid wadashaqeyn ah oo daryeel caafimaad loogu fidinayo bulshada Soomaaliyeed.


Add New Comment