Ciidamada DF Somalia iyo AMISOM oo Qabsaday Deegaan ka Tirsan Gobolka Sh/Dhexe



Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saakay si Nabad ah kula wareegay deegaanka Biyo-cadde oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Iyadoo la sheegay inay u galeen gudaha ciidammo aad u hubeysan.

Deegaanka Biyo-cadde oo ka mid ahaa deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ee gobolka Shabeellada Dhexe ku yaalla ayaa waxay la wareegistiisan imaanaysaa xilli uu hakad ku jiro shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ee horay uga furmay degmada Jowhar.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, Daa’uud Xaaji Ciro ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta inay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM la Biyo-cadde la wareegeen Saakay aroortii hore, iyadoo aysan dhicin wax iska-horimaad ah.

Sidoo kale, Deegaanka Biya-cadde ayaa 25-KM u jiraa Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo sidoo kalena dhanka waqooyi kaga beegan degmada Jowhar qiyaastii 40-km. Wuxuuna ka mid noqonayaa deegaannada soo galay gacanta dowladda Somalia.

Qabsashada Biyo-cadde oo caan ku ah ganacsiga maalmaha Jimcaha ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dhawaanahan Gobolka Shabeellada Dhexe ka jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin la wareegista saakay lagala wareegay deegaanka Biyo-cadde ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaasoo ka mid ahaa deegaannadii ay gacanta ku hayeen.

Add New Comment