Wasiir Diini “Hambalyo Sanad-guurada 51-aad ee Aas-aaska Ciidamadda Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed sanad guurrada 51aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay.

Wasiirka Gaashaandhigga  ayaa yiri “Maanta oo ay tahay 10ka bisha February-2016 waa maalintii la aas aasay Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ciidammada Xoogga Dalka,waa sanadkii 51aad ee kasoo wareegatay maalintii la aas aasay oo maanta waa ay 51sano jirsadeen,Ciidanka Badda iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan leeyahay HAMBALY,HAMBALYO,HAMBALYO iyo sanad guurro wanaagsan”.

Wasiir Diini ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hada wado qorshe la xiriira sidii ciidankaasi loo tayeyn lahaa si uu awood buuxda ugu yeesho inuu noo ilaaliyo Baddeenna oo ah bad dhererka baaxadeedu aad u ballaaranyahay islamarkaana badda ugu xeeb dheer ee Afrika waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya aysan laheyn ciidankii loo baahnaa ee difaaci lahaa xeebadahaas.

“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaanna Ciidammada Badda waxaa mas’uuliyad ay ka saarantahay ilaalinta baddeenna ma ahan kaliya in cadaw laga ilaalinayo ee waa in kheyraadkeedana la ilaaliyaa,Alle waxa uu nagu maneystay kheyraad ka badan umadda Soomaaliyeed si ay shacbiga Soomaaliyeed uga faa’ideystaanna waa lagama maarmaan in la ilaaliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiiir Diini, ayaa Alle uga baryey in Ciidammada Badda Soomaaliyeed uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda, sidoo kalena shacbiga Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay Ciidammadooda la shaqeeyaan.




Add New Comment