Madaxweynaha: “Ciidammada waa inay adkeeyaan ku dhaqanka anshaxa wanaagsan, dhowrista qawaaniinta, iskana fogeeyaan musuqmaasuqa’’



Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley shirka toddobaadlaha ee Ciidammada Qalabka Sida oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen taliyeyaasha, madaxda hoggaannada, iyo saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad taabaneysa muhimadda dhowrista anshaxa iyo ku dhaqanka qawaaniinta.

“ Waxaa dhammaanteen ina horyaalla waajibaad ballaaran ii aan dalka iyo shacabka ugu adeegeyno. Difaaca qarannimada, xudduudaha iyo sugidda amniga ayaa ugu weyn waajibaadka ina saaran. Laakiin waxaa iyana in maanka lagu hayo mudan in askarteena ay noqdaan kuwo leh anshaxa lagu yaqaano ciidammada, dhowrana qawaaniinta u degsan ciidanka. Madaxda ciidammada ayaa la doonaya inay tusaale fiican noqdaan, si askarta ay ugu deydaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo carabka ku adkeynaya lagama maarmaannimada anshaxa, ayaa sheegay salka dhismaha dowlad horumarsan uu yahay helista ciidan sharciga iyo kala dambeynta dhowra, shacabkuna ay ku deydaan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dardaarmey ciidanka in si buuxda loola dagaalamo musuqmaaqa, xuquuqda ciidankana la ilaaliyo.

“Hambalyada sannadka cusub ee inoo bilaabanaya ee 2016-ka ka sokow, waxaan idin ku bishaareynayaa in laga bilaabo bisha Janaayo ee beri inoo curaneysa dalka laga dhaqan gelinayo nidaam cusub oo daah-furnaanta hawlaha dowladda lagu soo bandhigayo. Waxaa halkaasi lagala socon doonaa dhaqdhaqaaq kasta oo la xiriira sida loo maamulayo xisaabaadka ciidanka. Tani waxay wax weyn ka tari doontaa dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa in ciidanka iyo qof walba oo qaranka u adeegaya uu maanka ku hayaa inuu dhammaaday waqtigii wax la isu sheegayay oo keliya, haatanna la guda gelayo isla xisaabtan iyo in tallaabooyin sharci ah laga qaado kuwa sida xun ugu takrifalaya awoodaha iyo hantida ummadda’’.

Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidanka u sheegay in halku-dhigga sannadka cusub ee 2016-ka uu noqon doono ‘’AMNIGA DALKEENNA WAA INAAN SI BUUXDA ULA WAREEGNAA”.

Waxaa uu sheegay in ciidammada shisheeye ee taageeraya Soomaaliya aanay weligood dalka sii joogi doonin, loona baahan yahay in la bilaabo hannaan cusub oo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan mas’uuliyadda sugidda amniga qaranka.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadallo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo S/Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare).


Add New Comment